Home WARARKA GALMUDUG Aqri galmudug oo ku dhawaqday in ay qadayso dagaal

Aqri galmudug oo ku dhawaqday in ay qadayso dagaal

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay heystaan deegaano badan oo kamid ah Galmudug,isla markaana dadka ku nool deegaanadaas ay ku qabaan dhibaatooyin kala duwan.Advertisement

Waxaa uu sheegay inay Galmudug diyaarineyso qorsho amni,sial markaana,iyaga oo kaashanaya Ciidamada dowladda ay la imaanayaan qorsho amni,sidoo kalena ay diyaar u yihiin inay la yimaadaan qorshooyin lagu sugayo Amniga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ay diyaar u tahay inay bilaawdo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab,kaas oo looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Hadalkan ayaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi waxaa uu ka sheegay kulan Madaxweynaha Galmudug uu la qaatay xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Galmudug,kaas oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here