Home WARARKA GALMUDUG caronavirus iyo dhacdo la yaab leh oo gaalkacyo ka dhacday+sawiro

caronavirus iyo dhacdo la yaab leh oo gaalkacyo ka dhacday+sawiro

0

Bukaankii ugu horreeyay ayaa maanta ka baxay xarunta Maareynta iyo Daaweynta ee Gaalkacyo, ka dib markii uu ka bogsaday fayraska “Corona.

Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka Puntland ee gobalka Mudug ayaa bukaanka gudoon siiyay shahaado muujinaysa inuu ka bogsooday Covid -19.

Ehelka bukaanka bogsaday oo 70 sanno jir ah ayaa u mahad-celiyay Wasaarada caafimaadka iyo dhakhaatiirtii gacanta ku hayay.

Dhaqaatiirta gacanta ku heysay aabahan jirka ah ayaa sheegay in markii loo keenayey uu u baahnaa ogsijiin ayna siiyeen,  iyagoo xusay in aabahan uu sidoo kale qabay cudurada daba dheeraada, sidaasoo ay tahayna uu nasiib wanaag ka badbaaday COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here