Home WARARKA GALMUDUG Daawo sawiro xul ah soo dhawayntii madaxweyne qoor qoor ee gaalkacyo

Daawo sawiro xul ah soo dhawayntii madaxweyne qoor qoor ee gaalkacyo

0

Madaxweyne Galmudug Axmed Abdi Kaarie QoorQoor Ayaa Soo gaarey Magaalada Gaalkacyo isagoo Si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka Abdulaahi Ciise oo boqolaal ruux madaxweynuhu uu kula Hadley .

Safarkan waa kii ugu horeeyay ee Magaalo madaxda Gobolka mudug ee Gaalkacyo uu Ku gaaro Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye , waliba xili maamulkiisu Ku guuleestay xareynta maleeshiyaadkii kala fadhiyay si loogu carbiyo ciidamada daraawiishta Galmudug ee dhismohoodu bilaawga yahay .

Qoor qoor madaxweynaha galmudug ayaa uga mahad celiyay shacabka gaalkacyo soo dhawaynta diiran waxaana uu sheegay in gaalkacyo uu u yimid wada tashiyo uu la sameynayo bulshada qaybaheeda kala duwan

Inkastoo soo dhawaynta qoor qoor aysan dad badan isugu soo bixin hadana shacabka gaaalkacyo oo maamulka gobalka mudug iyo kan degmada cabasho badan ka qaba aya la filaya in hogaamiyahasi ay la kulmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here