Home WARARKA GALMUDUG Janeraal Cali Gaab oo markale Muqdisho qarax lagula eegtay

Janeraal Cali Gaab oo markale Muqdisho qarax lagula eegtay

0

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax Miino oo Maanta Magaalada Muqdisho lagula eegtay Gaari uu la socday Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab).

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Gaariga Taliyaha lala eegtay xilli uu marayay Wadada Afisiyooni gaar ahaan Agagaarka Iskuulka Almasal,waxaana la sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah.

Wararla helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka badbaaday Taliye Cali Gaab,hayeeshee ay ku dhaawacmeen laab ruux oo mid kamid ah haweeneey aheyd,kuwaas oo wadada marayay.

Waa markii labaad oo muddo todobaad Gudihiis Magaalada Muqdisho qarax lagula eegto Taliyaha hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here