Home WARARKA GALMUDUG War deg deg ah diyaarad shacab farabadan ay saarnayen oo goordhaw soo...

War deg deg ah diyaarad shacab farabadan ay saarnayen oo goordhaw soo dhacday

0

HM_xafiiska Vienna Austria ;warar goordhaw ku soo dhacay xafiiska warqabadka Hobyomedia ee Vienna ayaa sheegaya in goordhaw ay soo dhacday diyaarad xamuul ah sida warar hor dhac ay shegayaan

Diyaaradan aya waxay ku so dhacday wadanka Pakistan waxaana diyaaradan ay ka soo kacday magaalada lahore iyadoo ku siijeeday magaalada karaji sida ay baahinayaan warbaahinta wadanka Pakistan

Diyaarada soo dhacday waxa leh shirkada diyaaradah calamiga ah wadanka Pakistan taa oo lop yaqano (pia)

Diyaaradan oo sumadeeda ay ahyd A320 Airbus aya waxaa saarna ku dhawaad 100 ruux oo isugu jira caruur haween dhalinyaro iyo odoyaal waxaana la xaqijin inta dhamaan dadkaas ay dhinteen iyo in ay wax ka bad baadeen

Wararka aya intas ku daraya in diyaarada ay ku soo dhacday meel u dhaw the Jinnah International Airport waxaana la arkayay diyaarada oo joog hoose iyadoo ku socota hal mar dhulka ku dhacday

Hay‘ada duiista hawada ee Pakistan Civil Aviation Authority, aya sheegtay in ka hor daqiiqado inta aysan dhicin ay waayeen qadka diyaarada isla markaana uu dhumay xirirkii guud

Baaritaano ayay ku dhawaqeen waxa sababay in ay diyaarada soo dhacdo blse ehelada dadka saarna diyaaradaas aya muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibka soo gaaray

Wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco Hobyomedia

W/Q:- Samiir Hassan Adan

Vienna Austria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here