Home WARARKA GALMUDUG XOG: Al-Shabaab oo Muqdisho soo geliyay dad Qaraxyo ku xiran yihiin

XOG: Al-Shabaab oo Muqdisho soo geliyay dad Qaraxyo ku xiran yihiin

0

Waxaa soo baxaya digniino ay soo saareen mas’uuliyiinta ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lala wadaagay ciidamada amniga iyo shaqsiyaad muhiim ah oo ku jira dowladda Somalia.Advertisement

Sida aan xogta ku helnay waxaa tuhun uu ka jiraa in magaalada Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 5 qof oo lagu soo xiray waxyaabaha qaraxa, kuwaas oo damacsan iney galaan xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in hoteellada Muqdisho qaarkood oo aan bandowga saameyn ku yeelan loo sheegay iney muujinayaan feejignaan dheeraad ah.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay badaleen qorshihii qaraxyada kadib markii ay gaadiid soo gelin waayeen Muqdisho, islamarkaana ay billaabeen in shaqsiyaad ay qaraxyo ku soo xiraan.Advertisement

Al-Shabaab ayaa hore isku qarxiyay maqaayad ay dad shacab ah ku sugnaayeen oo ku taalla agagaarka Sayidka, waxayna Qaraxaas u adeegsadeen qof ismiidaamiyay, arintaas ayaa abuurtay walaac iyo wal wal cusub.

Muqdisho ayaa bilooyinkii la soo dhaafay ka xasilooneed qaraxyada iyo weerarada tooska ah markii laga reebo weerarada hoobiye ah iyo dilalka qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here