Home WARARKA GALMUDUG Akhriso Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug?

Akhriso Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug?

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyey kullanka golaha Wasiiradda oo ka dhacay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Kulankaan oo ay inta badan ku sugnaayeen Golaha Wasiirada Galmudug ayaa warbxin la xiriirta Shaqooyinkooda  looga dhageystay Wasaaradaha kala ah: Amniga Gudaha, Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta &D/Hoose, Dekadaha iyo Kaluumeysiga iyo Boostada iyo Isgaarsiinta.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu Saacadaha soo socda tegi doono Magaalada Gaalkacyo si uu ula kulmo Madaxweynaha Puntland oo Maanta halkaasi gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here