Home WARARKA GALMUDUG Aqri:-maxuu salka ku hayaa kulankii qoor qoor iyo deni ee gaalkacyo

Aqri:-maxuu salka ku hayaa kulankii qoor qoor iyo deni ee gaalkacyo

0

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa shalay oo jimco ahayd ku kulmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,halkaas oo ay ku gaareen heshiis is-afgarad ah,kaas oo guddi loo saarayo dhaqan galkiisa.Advertisement

Heshiiska Puntland iyo Galmudug ay gaareen ayaa waxaa ka mid ah Amniga iyo iskaashi dhex mara labada Maamul, iyagoo dhinaca kalana hambalyo ku aadan 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoreebeen Goballada Waqooyi ee dalka u diray Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Sida aan wararka ku heyno, Labada maamul ayaa dhibaato ka heysatay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo oo labada maamul ay ku muransan yihiin,dhiig badana uu ku daaday.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo.Advertisement

Dad badan oo siyaasadda ku xeel-dheer ayaa sheegay iney arrintaan keeneyso xal waara oo laga gaaro khilaafka mudo soo jiitamayay oo labada maamul u dhaxeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here