Home WARARKA GALMUDUG XOG: Axmed Madoobe oo shaki qaba in sidii Wasiir Janan loogu shirqoolo...

XOG: Axmed Madoobe oo shaki qaba in sidii Wasiir Janan loogu shirqoolo Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Muqdisho isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir,kuwaas oo ka qeyb galaya shirka golaha amniga Qaranka.Advertisement

Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Waxaa shaki badan uu ka jiraa in shirkaas ka soo qeyb galayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowr jeer ay Dowladda isku dayday in ay soo xirto balse u suurta geli weysay,inkastoo madaxweyne Farmaajo uu shaaciyay inuu Axmed Madoobe u aqoonsaday madaxweyne KMG ah ka dib doorashadii muranka badan dhalisay ee ka dhacday magaalada Kismaayo sanadkii hore.

Villa Soomaaliya ayaa sameysay isku dayo dhowr ah oo lagu soo xirayo Axmed Madoobe,iyadoo kaashaneysa ciidamo shisheeye gaar ahaan ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo.Advertisement

Lama oga go’aanka Jubbaland ka soo bixi doona oo ku aadan casuumadda loo fidiyay ee ku aadan shirka amniga Qaranka ee Muqdisho ka dhaca bisha soo socota.

Waxaa xusid mudan in shirkan uu dhici doono kadib marka ay guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashada ay hortagi doonto baarlamanka, taasi oo la filayo inay noqoto 5-ta July. Xaliimo Yarey ayaa marka hore qorshuhu ahaa inay baarlamanka tagto 27-ka June, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay toddobaadka xoriyadda dartiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here