Home WARARKA GALMUDUG Xog: fiqi oo gaaray goaan xasaasi ah

Xog: fiqi oo gaaray goaan xasaasi ah

0

Wasiirka amniga gudaha Dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta booqday saldhiga ciidanka Booliska Degmada Baacadweyne ee Gobolka Mudug.

Wasiirka waxaa kormeerkaan ku wehlinayey saraakiil katirsan ciidanka Booliiska oo uu horkacayey taliye Booliiska Galmudug.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay Taliska Booliiska Degmada Baacadweyne iyo Guddoomiyaha Deegaanka.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in hay’adaha amnigu ay si rasmi uga howlgali doonaan deegaanka isla markaana la dhameystiri doona dhismaha qeybyada ee Saldhigga Booliiska Magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here