Home WARARKA GALMUDUG Aqri Go’aanka Kheyre ee Shirkii Dh/mareeb 2 & Jahwareer ka taagan cida...

Aqri Go’aanka Kheyre ee Shirkii Dh/mareeb 2 & Jahwareer ka taagan cida uu la safan yahay

0

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka gaabsaday inuu muujiyo doorkiisa siyaasadeed mudadii uu shirka ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.Advertisement

Dadka la socdo siyaasadda ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre uusan ku qanacsaneyn rabitaanka madaxweyne Farmaajo ee doorasho qof iyo cod,islamarkaana uu la safan yahay madaxda maamul goboleedyada oo doonaya in lagu laabto doorasho dadban.

Mudada shirarka ay ka socdeen magaalada Dhuusamareeb waxaa la arkayay Ra’iisal wasaaraha oo madluunsan oo gacmaha iyo afka isku heysto,mana jirin wax mowqif cad ah oo ka istaagay arrimaha doorashada iyo nooca ay noqoneyso.

wallow Xasan Cali Kheyre oo marar badan uu ku celiyay in doorashada la isla ogol yahay waqtigeeda ku dhacdo ay dalka qabsoomeyso,taas oo mucaaradka iyo maamul goboleedyada ay u riyaaqeen.Advertisement

Xalay magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii 19-22-ka july u socday madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada,kaas oo qodobada laga soo saaray ay ugu muhiisam tahay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo,taas oo walaacsan uu ka jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here