Home WARARKA GALMUDUG Sawiro:-galmudug oo hub kula wareegtay cadaado

Sawiro:-galmudug oo hub kula wareegtay cadaado

0

Wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta hub, gawaari dagaal iyo maleeshiyadii saarneed kula wareegtay magaalada Cadaado.

Wasiirka amniga gudaha Axmed Macalin Fiqi oo goobta kula hadlay maleeshiyada ayaa sheegay in ay ka mid noqon doonaa askarta loo diyaarinaayo in ay noqdaan Daraawiishta Galmudug, tababar ciidan iyo xuquuqna ay heli doonan wixii maanta ka dambeeyo.

Qorshaha wasiir Axmed Fiqi ee ku aaddan xareynta maleeshiyaadka oo kasoo billaawday magaalada Gaalkacyo dadka deegankana aad usoo dhoweeyeen ayaa u muuqdo mid xal waara u noqon karo xaaladda amni ee Galmudug iyo xoreynta deegaanada ka maqan gacanta maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here