Home WARARKA GALMUDUG Villa somalia iyo warar culus (Akhriso)

Villa somalia iyo warar culus (Akhriso)

0

Madaxweynaha Somalia ayaa wada kulamadii ugu dambeeyay ee uu ku doonayo inuu kuso xulo ra’isul Wasare si deg deg ah loo soo magacaabo mudo yar uun kadib iscasilaadii Kheyre oo ay sidoo kale baarlamaanku codkii kala laabteen.Advertisement

Warar aynu ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in ilaa xalay ay socdeen kulamo iyo latashiyo uu madaxweynuhu la lahaa siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo daneynaya Xilka RW Dalka.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Mursal iyo ku xigeenkiisa koobaad  iyo shaqsiyaad ka tirsan Xukuumadda Somalia oo uu ugu horeeyo RW KM ah.

Warar ay Warqaad heshay ayaa sheegaya in Madaxweynuhu donayo in mudo todobaad gudahood ah uu kusoo magacaabo Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka iyadoo ay jiraan liiska musharaxiin badan oo xilkaas u taagan.Advertisement

Hi

”Madaxweynaha wuxuu RW kusoo magacaabayaa mudo todobaad gudahood ah kahor inta uusan safar dibadda ah u bixin”ayaan kasoo xiganay ilo wareedyo aan ku kalsoonaan karno.

Lama sheegin halka uu u safri doono Madaxweynaha, laakiin waxaa jira Warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ay wadahadal taleefanka ah yeesheen RW Itoobiya Abiy Axmed Isla markaana uu casuumaad rasmi ah ka helay.Advertisement

Si kastaba, Kulamadda iyo latashiyada uu Madaxweyne Farmaajo kusoo magacaabayo RW ayaa wali socda – Wararka kusoo kordhana waan idiin soo gudbineynaa Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here