Home WARARKA GALMUDUG XOG:-Qoor qoor oo shir xasaasi ah isugu yeeray dowlad gobaledyada

XOG:-Qoor qoor oo shir xasaasi ah isugu yeeray dowlad gobaledyada

0

Kadib kulan dhanka Internet-ka ah oo ay yeesheen madaxweynayaasha shanta maamul goboleedka ee dalka, sida Galmudug, Puntland, Jubbaland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa isku raaceen inay kulan wadatashi yeeshaan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.Advertisement

Kulankaas ayaa la qorsheeyey inay madaxda maamul goboleeyada isugu yimaadaan 8-bishan, kaas oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa marti-geliyey kulankan oo lagu soo aadiyey, kadib markii uu shalay baaqday shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020 illaa 2021, amniga iyo khilaafka dowladda dhexe kala dhexeeyo dowlad goboleedyada qaar, sida Puntland iyo Jubbaland.Advertisement

Sidoo kale gaba-gabada shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadalayaan maamul goboleedyada.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu dalku haatan ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here