Home WARARKA GALMUDUG Xogtii u danbeysay Kulamo gaar gaar ah oo weli ka socda Magaalada...

Xogtii u danbeysay Kulamo gaar gaar ah oo weli ka socda Magaalada Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa weli ka socda kulamo gooni gooni ah oo u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowlad Goboleedyada ee ku sugan halkaas iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, kuwaas oo looga hadlayo qabsoomida shirka.

Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Jubbaland oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya si xal looga gaaro ka hor Shirka Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka oo ahaa mid ay Albaabada ku xirnaayeen ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in looga hadlay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland si loo guda galo Shirweynaha Madaxda Sare iyo Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale waxaa xalay kulan gaar ah Hoyga uu RW Kheyre ka degan yahay Magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha 5-ta Maamul Goboleed, waxaana kulankooda looga hadlayay sidii loo wajihi lahaa qabsoomida shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulamadaan ayaa qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka yeelanayaan sidii jawi wanaagsan iyo is faham ugu bilaaban lahaa shirkooda dhowaan furmaya.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in uu dhawaan ka furmo Shirka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka oo aan ilaa iyo hadda aan la isku raacin nooca ay noqoneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here