Home WARARKA GALMUDUG Aqri:-Kheyre oo Qorshe ka dhan ah FARMAAJO la wada Xasan & Shariif

Aqri:-Kheyre oo Qorshe ka dhan ah FARMAAJO la wada Xasan & Shariif

0

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisal wasaarihii ugu waqtiga dheeraa bur burkii dalka ka dib 25-kii bishii July ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kalsoonida kala noqdeen ayaa hadda bilaabay qorshe ka dhan ah Villa Soomaaliya oo uu ka wado magaalada Muqdisho.Advertisement

Xubno ka dhow Xasan Cali Kheyre ayaa inoo sheegay inuu damacsan yahay inuu xiriir iskaashi la sameysto kooxaha mucaaradka ee Dowladda ka horjeeda gaar ahaan Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulan qarsoodi ah oo Muqdisho ku dhexmaray Xasan Cali Kheyre iyo Hoggaanka Madasha sida Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif ayay isku afgarteen iney wada shaqeyn buuxda yeeshaan oo ay isla baadi goobaan sidii doorasho nooc kasta oo ay ahaataba waqtigeeda ku qabsoonto.

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisal wasaarihii Xukuumadda kalsoonida lagala noqday ayaa loo ceyriyay sababo la xiriira inuu ku fashilmay inuu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah oo balantu ay ahayd.Advertisement

Hoggaanka Madasha ayaa dadaal ku bixineysa sidii ay kaga hortagi lahayd mudo kororsi loo sameeyo Farmaajo,waxaana socda wada hadal u socda Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa hoggaanka Madasha kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo taageeri lahaa Dowladda Farmaajo iyo qorshaheeda doorasho ee 2020/21.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here