Home WARARKA GALMUDUG Aqri deni iyo axmad madoobe oo Muqdisho imanaya maxa lagu qanciyay?

Aqri deni iyo axmad madoobe oo Muqdisho imanaya maxa lagu qanciyay?

0

Sida ay muujinayaan Ilo Wareedyada La helayo waxaa baqdinta ay qabaan Madaxda Dawlad Gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland ay sababtay in Beesha Caalamka la wadaagaan in Amnigooda laga war hayo.

Axmed Madoobe iyo Siciid Dani ayaa laga yaabaa in ciidan hubeysan ay kala soo dagaan Muqdisho marka ay soo gaarayaan.

Isniinta ayaa la filayey inay Xamar soo gaaraan Balse warar aan helnay ayaa sheegaya in Talaadada berri ay imaan doonaan.

Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay muran gelisey in Askar ay diyaarad lasoo raacaan madaxdani balse iyagu ay diideen in Ciidan la’aan Xamar yimaadaan inkastoo is faham waagii jiray qeybtood la xaliyey.

Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in ay siyaasadooda aysan dhinac dabcin ah ka gelin Amniga ay ku heli karaan Muqdisho,iyagoo ka cabsi qaba in shirqool siyaasadeed loo maleego sidaasna lagu khaarajiyo.

Sanad iyo bar kadib ayey Axmed Madoobe unoqoneysaa uu imaanayo Muqdisho,islamarkaana Dawlada Dhexe gor gortan kala galayo Arimaha Siyaasada iyo masiirka Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here