Home WARARKA GALMUDUG Duqa gaalkacyo ‚‘‘Walalkey Waa Aqoon Yahane Hala Doorto si uu booska ii...

Duqa gaalkacyo ‚‘‘Walalkey Waa Aqoon Yahane Hala Doorto si uu booska ii badalo“

0

Duqa magaalada gaalkacyo ee galmudug xirsi yuusuf bare oo ka hadlay munsasbad lagu taagerayay musharaxnimada C/fitaah bare oo u sharaxan inuu badalo booska uu walalkiis hada hayo aya sheegay inuu yhy c/fitax shaqsiga kaliya ee ku haboon inuu isaga bagalo

Munsabadan ee lagu soo bandhigayay musharaxnimada C/fitax bare oo ka dhacday gaalkacyo ayaa qudbado kala duwan waxaa ka jeediyay marti sharaf u badan Ehelkiisa kuwaasi oo xaflada soo agaasimay,waxaana xaflada qabn qaabadeefa duqa gaalkacyo ee galmudug ii u xil saaray xubno uu ka mid yhy ku xigeenkiisa

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa yiri “waxaan soo dhawaynayaa Musharaxa Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdifitaax Barre,waan ku faraxsnahy in Maanta aan arko Dhalinyaro waxbaratay oo u taagan xilka Duqa Magaalada

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre”waxaan soo dhawaynayaa Musharaxa walalkey hala doorto waa aqooon yahan i badali Kara”

Bulshada gaalkacyo aya si wayn u hadal haysa qaabka uu siyaasada uu ku soo kordhiyay duqa gaalkacyo madama uu qorsheyay in uu booska uu hada hayo uu walalkiis u soo sharaxo si uu xilka ugu wareejiyo waana arin wali gobalka mudug aan ka dhicin hadal hayn xiiso gaar ahna dhalisay

Bulshadii ka soo qayb gashay aya laga wada codsaday in ay taageeran musharaxa.

C/fitah bare oo ah dhalinyaro aqoon yhn ah aya u qalma xilka blse qaabkan qori isku dhiibka ah isaga iyo walalkiis aya dadku waxay u arkan Wado aan wanagsaneen waana arinta kaliya ee gaalkacyo wali laga hadal hayo

Dhawaan  aya la filaya in gudiga Loo xil saray arimaha golaha deganka degmada gaalkacyo ay soo afjaran hawuushoodi u danbeysay

xafiiska warbaahinta Hobyomedia ee gaalkacyo 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here