Home WARARKA GALMUDUG Jabuuti:-Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la yeeshay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan

Jabuuti:-Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la yeeshay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga,Arimaha gudaha iyo Taliyaasha Ciidamada Dalka Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga iyo sidii ciidamada hiil-walaal iyo kuwa Galmudug iskaga kaashan lahaayeen howlgalada lagaga hortagayo Al-Shabaab, iyo in ay dowlada Jabuuti sii xoojiso taageerada ay siiso Galmudug

Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay Madaxweyne Qoorqoor Wasiirada Amniga iyo Arimaha gudaha waxaana ay sheegeen in wada shaqeyn wanaagsan ay dhexmari doonto Jabuuti iyo Galmudug.

Qoorqoor ayaa sidoo kale kulan la qaatay Gudoomiyaha Dekeddaha dalka Jabuuti oo uu kala hadlay dhismaha dekedda weyn ee Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here