Home WARARKA GALMUDUG Wasiirka Batroolka Somalia oo gabadhiisa oo uu xil culus u magacaabay

Wasiirka Batroolka Somalia oo gabadhiisa oo uu xil culus u magacaabay

0

Sii-hayaha wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa dhexda ka galay fadeexad kadib markii uu gabadhiisa xil uga magacaabay wasaaradda.

Bilowgii bishaan ayuu wasiirka Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta u magacaabay Sumaya Cabdirashiid Maxamed, waxaana ku xigtay inuu amray dhamaan xiriirada wasaaradda ay maamusho.

Bishii lasoo dhaafay Gudoomiyaha Guddiga Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa sameeyay xiriiro caalami ah uu la yeeshay Shirkado iyo Hay’ado ku lug leh arrimaha shidaalka iyo Qandaraasyada lagu iibinaayo xirmooyinka shidaal ee la baarayo.

Talaabadaas ay guddiga qaadeen waxey wasiirka ku qasabtay inuu magacaabo madaxa xiriirka iyo warbaahinta kana dhigo gabadhiisa si uu xaalad walba ula socdo.

Waxaan ogaanay in madax ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku amreen wasiirka inuu ka noqdo magacaabista isla markaana ay fadeexad weyn halkaas kasoo food saartay.

Wadanka muddo ka badan 40 Maalmood ma lahan ra’isul wasaare taasna waxey fududeysay in wasiirada qaarkood ay sameeyaan magacaabis aan sharci aheyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here