Home WARARKA GALMUDUG Xog culus:-Al Shabaab Oo Ka Baxay Magaaladii ugu xoogga badnaayeen deganada Galmudug

Xog culus:-Al Shabaab Oo Ka Baxay Magaaladii ugu xoogga badnaayeen deganada Galmudug

0

HM_Xafiiska dhuusamreb:- Sida laga soo xigtay dad kusugan Magaalada Ceel buur ee Gobolka Gal gaduud waxaa sanado badan kadib iskaga baxay Al Shabaab.

Ceel buur waa meeshii ay ugu awooda badnaayeen Shabaab Gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Si rasmi ah looma oga ujeedkooda ay uga baxeen balse waxa la arkay iyagoo ka qalab raranaya halkaas.

Ciidamada xoogga Dalka ayaa hareereeyey Ceel buur oo ay doonayaan inay la wareegaan inkastoo weli aysan Gudaha ugelin.

Galmudug ayaa u aragta Ceel buur meel istaraatiiji ah islamarkaana qabashadeeda ay ku farxi doonaan dad  badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here