Home WARARKA GALMUDUG Xog xiiso leh:-Maxay ka wada hadleen Madaxweynayaasha Galmudug & Jubbaland?

Xog xiiso leh:-Maxay ka wada hadleen Madaxweynayaasha Galmudug & Jubbaland?

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqqoor.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha la xiriira Doorashooyinka 2020/2021 oo labaduba ay u joogaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka ayaa labada madaxweyne waxaa ay uga hadleen sidoo labada Maamul ay u yeelan lahaayeen iskashi dhinac walba ah, si ay u noqdaan laba maamul oo wada-shaqeyn rasmi ah dhex-marta.

24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, kaas oo ay yeelanayeen Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here