Home WARARKA GALMUDUG Yaa naga dhaadhicin kara Laftagareen iyo Qoor qoorna doorasho xalaal ah...

Yaa naga dhaadhicin kara Laftagareen iyo Qoor qoorna doorasho xalaal ah ayey ku soo baxeen ?qalinkii :-Cabdiraxmaan Salaad

0

Go’aan waxuu haboon yahay markaad wadar ku gaartaane..

Gole waxaa la keenaa wixii galaya taariikhe….

Allihii go’aamada lahaa ha idin guuleeyo….

Abwaan Saciid Gacamey

 

Mudaba waxaa taagnaa khilaaf ba’an oo ka dhaxeeyey dawlada Federaalka iyo Dawlad-goboleedka Puntland, kaas oo loo caal waayey xalkiisuna dabadheeraaday, aragtideyda in khilaafkaasu dhamaan waayo waxaa u sabab ah Dawlad-goboleedka Puntland oo sadex waji oo khilaafkani ku dhamaan lahaa laga waayey inay mid uun  qaadato.

  1. Puntland waxaa la gudboonaa inay sida Soomaaliland inta bareeraheeda cadeysato banaanka u baxdo, maadaama cabashooyinkeedi dheg-jalaq loo siin waayey. Ayada oo ku doodaysa, intii anaga oo iska daba laadlaadna, iskuna dhiban qiyaamuhu noogu dhici lahaa waxa ka roon inaan is kala fududeyno, inta ummada Soomaaliyeed ka miyirsanayso ayna garanayso maxaad xaq u leedahay maxaase xaq laguugu leeyahay.

  2. Inay sida ay sheegato tiraahdo anigu hooyadi soomaalida ayaan ahay, hooyana samir iyo dulqaad badan baa lagu yaqaan, kuna samirto wixii gabood fal ah ee loo geystay, wixii waajibeedkeeda ahna ay gudato.

  3. Inay inta wixii gaboodfal ah ee loo gaystay liis garayso, mudo cayimana (time frame) go’ana u qabato, tiraahdo waqtigaasi hadii hawshaas wax looga qaban waayo, hade Soomaaliyeey markhaati ka ahaada eedaas anagu ma lehine, ka dibna wixii ay munaasab u aragto ku dhaqaaqdo. Laakiin xiriirki waa hakinay, waa soo celinay, Xiriirki waa hakinay waa soo celinay….

Hogaanka dawlada Federaalka waxaa ka soo uraya kali-talisnimo, hala guulwadeeyo iyo inuusan aaminsaneyn nidaamki lagu doortey ee federaalka.  Yaa naga dhaadhicin karaa Laftagareen iyo Qoor qoorna doorasha xor iyo xalaal ah ayey ku soo baxeen, Axmed madoobana waa maroorsday. Yaa na garansiiya macnaha ay samaynayso Balcad iyo Afgooyana ma tagi karo, Gedana ciidan baan u dirayaa. Waxaa la wariyaa in nin caalim ahi u yimid nin wadaad ah oo tuula wax ka meheriya; oo dadka marka uu isku meherinaya intuu quluwale ku akhriya oranaya ordaya waad isku mehersan tihiini, asaga oo aan qodbatul xaaja iyo wax kale midna akhrin, ninkii caalimka ahaa waxa uu ku yiri ninkii wadaadka ahaa, war sheikh sidani sax maaha. Wadaadki waxa uu yiri sheikh iska aamus dadkaan meeshaan ka keenay war kama hayside. Waxaan u imid ayaga oo sida Hinduugi inta faraqa la isugu xiro dabadeedna geed ku wareegta la yiraahdo, dabadeedna la yiraahdo ordaya waad isku mehersan tihiini, anaaba quluwale ku akhriyey. Hada hogaanka Dawlada Federaalku maba oga dalkaan meeshi laga keenay.

SHirka ay Puntland ku baaqday waa soo dhaweynaynaa, waxaanse kula dardaarmaynaa

  1. Waa inuu noqdaa shir aan ku iman laablakac iyo duruuf markaas taagan oo kaliya ee uu noqdo, mid la isla meel dhigayo masiirka ummadani xaga uu ku sii sidqayo, go’aamada ka soo baxana wa inay noqdaan kuwaan dib looga noqonayn. Hadii sidayadi aan oran doono xataa Banki- Moon haduu yimaado yeelimayno, raganimana dhaga’adayga baa nooga hortay; hadhowna marka ay beesha lixaad noo timaado oo madaxa noo salaaxdana aan oran doono waa ka noqonay hadaba yaan nala lugeyn.

  2. SHirkaas marka uu dhamaado waa inuu xigaa shirweyne lagu turxaan bixinayo Puntland laftigeeda. Cadaalada, maamul wanaaga iyo hufnaanta aan dawlada dhexe ka rabno, waa in aan horta gurigeena ka bilownaa. Waxaa la sheegaa in nin qaadi iyo sheikh labadaba ka ahaa tuulo yar, ayaa waxa soo kor istaagay asaga oo turub ciyaaraya wiil ardadiisa ka mid ah, wiilki waxa isu qaban waayey sheekha turub ciyaarkiisa iyo quraan akhriskiisa, markaasu inta soo jeediyey waxa uu ku yiri qaalalaahu tacaala iyo qulaankaanu fas weeye isma qaadi karaana qaaliyoow kala daa. Aaranjaan baa inagu milan; wanaag, cadaalad iyo dawlad hufana waa rabnaa isma qaadi karaane halakala daayo. Hadii kale waxaan la mid noqonaynaa ninkii dadqalka ahaa oo waliba dadkiisa cunayey, isla markaana ka qaylinayey dhibaatada waraabe cunaya ari baadiye oo waliba reero badan ka dhexeeya.

Gabayaagi caanka ahaa ee Guuleed Jucfe Samatar ayaa waxaa la sheegaa inuu aad ula duubtay nin isim ah oo la dooranayey sidii uu u soo bixi lahaa, aakhirkii Guuleed arrinki waa ku guuleystay ninkiina waa la caleemasaaray. Mudo ka dib Guuleed waxa uu arkay ugaaski oo geeska galinaya sina isaga fogaynaya. Guuleed arrinkaasi waa u cuntami waayey, waxa uuna tiriyey gabay dheer oo uu ku garnaqsanayo, kuna tusaalaynayo ugaaska dhibkii uu ka soo maray doorashadiisa ilaa gaajo gaarsiisay inuu digaag cuno – halkaas waxaa nooga muuqda hodantinimadi Soomaalidii hore, Guuleed waxa uu yiri.

Dalkaan maray dushaan xalay ku go’ay socotadaan daalay

Iyo Duunyo xoorka igu dhacay sidii nin duulaan ah

Wax badan baa daraadaa u maray derin ceriiryoone

Digaagadana gaajaan u cunay amar la doonkaaye

Rag abaalki lama dooriyee kaama helin deeqe

Bal ogow digniin baan qabaa maanta dabadeede.

Puntland digniin badan bay qabtaa hadey wax ku qaadanayso, wixii ay juhdi bixisana waxaa loogu badalay waxaad rabtaan sedbursi ama shisheeye kalkaal baad tihiin; waxaana Meesha ka muuqata in arrinku yahay nin weyn tag lama yiraahdee wuxuu ku tagaa la tusaa.

Ku dhamaade aakhiro ragii dheemanka ahaaye

DHalanteed caruur iyo waxaan dhaamin baa haray e

Noo dhiciya maatada aduun waa habeen dhexide.

Abwaan KHaliif SHeekh Maxamuud

Cabdiraxmaan Salaad

dhaguuf@gmail.com 

FIIRO GAAR AH QORAALKAN KAMA TURJUNAYO WARBAAHINTA HOBYOMEDIA ARAGTIDEEDA ,QORAAGA AYA MAQAALKAN NALA WADAAGAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here