Home WARARKA GALMUDUG ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ป๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ Gobalka mudug W/Q: Cabdiraafic Yasac

๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ป๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ Gobalka mudug W/Q: Cabdiraafic Yasac

0

๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ป๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ

Madasha Nabadda & Isdhexgalka waxay qabatay banaanbixii nabadda Gaalkacyo maanta oo kale 2 October 2017, waxaa rabaa in aan idinla wadaago sheekooyin xasuus reebay oo aan arkay.

Kama sheekaynayo shaqadii Madasha oo dhan iyo aragtidii magaalada taaley ee kaliya waxaan rabaa in aan qoro intii aan arkay maalintaa

Isbuuc ka hor banaan baxa waxaa gabi ahaanba xirmay suuqa wayn ee Gaalkacyo sababo la xariira colaado ka dhacay bariga Mudug iyo madaafiic lagu garaacay xili habeen ah magaalada qaybo ka mid ah

Waxaa joogsaday isku socodkii oo dhan suuqa dhan wuxuu noqday qori iyo cabsi

Dooxa galbeed ee magaalada 2galbood oo is xiga ayay ciidamo beeleed rasaas isku waydaarsadeen habeen ku xigay dad ku Shaahaya maqaaxida Karamaa oo ku dhaw hotel Globl ayay kooxo hubaysan ku fureen rasaas, waxaa sii batay cabsidii, kooxaha dagaalada ka macaasha ayaa fursad u arkayay in colaad kale dhici karto, sida caadiga ah sanadkasta bisha 9aad ama 10aad ayay dagaalkaas hurin jireen waxaana saamaynta ugu badan lahaan jiray maamuladda labada dhinac ee magaaladda oo ka heli jiray lacag badan markii dagaal dhaco waxayna dan u arkayeen colaadda gobolka

Dhallinyarada Madashu waxay go’aansatay inay faragaliso arintaas cusub kulamo u badnaa telefoon layska wacay iyo is arag aan 2qof ka badnayn ayay Madashu maalmo waday ugu dambayn waxaa lagu guulaystay in suuqa la tago oo la dhex maro dadkana loo sheego in aysan colaad jirin waxaa hal meel layskugu keenay ganacsatadii oo dhan si looga saaro shakiga waxaana laga soo saaray baaqii nabadda iyo isku soo bax bulsho

Maalintaa wixii ka dambeeyay waxaa furmay isku socodkii dadka iyo ganacsigii ee suuqa wayn

Waxaa lagu dhawaaqay banaanbax nabadeed

Sida markii hore la qorsheeyay banaanbuxu waxay ahayd inuu dhaco 28 September oo khamiis ahayd wuxuu u baaqday sababo la xariira tuhun maamuladu naga qabeen oo ahayd inaan hay’ado shisheeye lacag kaga qaadanay

Waxaa si cad naloo yiri banaanbax aad qaban kartaan ma jiro ilaa aad lacagta wax naga siisaan, dhawr jeer ayaa layskaga daba laabtay si loogu sheego in aanan lacag dadkale ka qaadane aan ku socono ilaa hadda lacag aan anagu iska aruurinay

Waxaan shirar gaar ah la yeelanay maamulada dowladda iyo ururo dhallinyaro si aan u shaki bixino waxay qaadatay waqti badan oo la karaahsaday hadalkooda oo u dhignaa lacagtii aan dagaalka magiciisa ku heli lahayn na siiya ama banaanbax qaban maysaanlll๐Ÿ˜ณ

Mar dambe ayaa si naxuus ah naloo yiri banaanbaxa iska qabsada laakiin ogaada annagu mas’uul kama nihin amaankiina.

Waxaa na gashay cabsi aad u wayn oo ahayd in sida loo ilaalin karo dadkaa isku soo baxaya oo waliba xilligaas ay socotay kala aarsi qabiil iyo dilal aano la xariira

Maalin anoo jooga meel tuulo ah oo aan ka waday biyo dhaamis dad ree miyi ah oo abaar daran ay taabatay waxaa isoo wacay Xasan Cali Xasan oo madaxa maaliyadda ahaa

wuxuu igu yiri “Lacagta loo aruurinayo in lagu qabto banaanbaxa adiga iyo Maxamed Cabdiraxmaan aruuriya aniga waxaa i haysta culays xagga shaqada ah”

Sidaas ayaan ku bilownay aruurinta lacagta 14qof ayaa dhiibtay lacag dhan $135

Shir aan Hotel Classic iskugu nimid ayaa 29 September ayaan ku go’aansanay in banaanbaxaas la qabto khatarkasta oo uu leeyahayna la qaado 12qof oo Madasha xubno ka ah ayaa fadhisay waxaa laysla qoray qaabka socodka, agabka aan adeegsanayno, sida aan fariimaaha u qaybinayno, sida loo wada shaqaynayo iyo qofba xubinta uu ka leeyahay

Aniga iyo Mohamed Abdirahman Ali (Xoghayahii Madasha) waxaa nala yiri waxaa laydinka rabaa qaab isku mid ah iyo hal-haysyo isku mid ah in aad gaysaan meelkasta oo looga baahan yahay

Waxaa si aad ah noola shaqeeyay oo na caawiyay Horyaaljet, Signjet iyo Mohamed Bashir Magan waxaan daabacnay calamo cadcad, waraaqo halhays nabadeed ku qoran yahay, boor iyo fanaanado hal eray oo NABAD ah ku wada qoran yahay.

Si kalsoonida wada shaqayntu u badato oo kala xirnaanta loo iloobo waxaan bilownay inaan dhawr mar maalintii hadba meel ku kulano oo iskaga gooshno xaafadaha magaalada.

Lacagta oo aad noogu yarayd awgeed waxaan iska daynay wax badan oo la rabay inaan samayno galabtii 1 October 2017 waxaan u tagay Maxamed Cabdiraxmaan oo jooga xaafad Israac ah waxaan u sheegay inaan caawa la joogayo oo waliba shaqada noo dhiman caawa isla qabanayno wuu iga diiday soojeedintayda wuxuu igu yiri “Waxaa jirta colaad adigana waa lagu yaqaan ma rabo in agtayda wax kugu gaaraan ilana joogi maysid” waxaan u sheegay in galabta aan lahaa shaqo gaar ii ahayd oo aan uga soo tagay tan aananna u laabanayn xaafadayda “wuxuu igu yiri waayahaye ha hadlin inta aan wada socono” habeenkii waxaan daabacnay waraaqo ay ku qoran yihiin erayo nabadeed, waxaan cawaysin u aadnay dhawr meelood oo dhalinyaro iskugu timid maqaaxida Ohio ayaan fariisanay oo dhallinyaro badan ku kulanay waxaan socod ku marnay inta badan meelaha dhallinyaradu joogtay oo aan sii ogaysiinay inay ka qayb noqdaan dhacdadaas berri iyo asxaabtii berri nala shaqayn lahayd si aan u tusno shaqada na sugaysa iyo in xil layska saaro in qof walbana u diyaar garoobo habeenkaa qofkasta wuxuu noo sheegayay in aan khatar amaan darro ku jirno.

Waxay noogu darnayd intaan joognay madbacad u dhaw masjidka Muxammad RasuuluLLAH oo aanan hada magaceeda xasuusan in erayada waraaqda ku qoran uu qofkasta arkayay, Maxamed wuxuu isku howlay in aysan dadku arag eraydaas cabsida ugu badan oo uu qabay waxay ahayd in nala ogaado waxa aan nahay iyo shaqada aan hayno waxaa noo soo galay meesha aan fadhinay nin markii dambe la sheegay inuu Takfiir ahaa wuxuu yiri “Waryaada nabadiina ma ahane nooga baxa magaalada anaga nimankaas Hawiye wax aan xabad ahayn kuma wada hadli karnee mana aamini doono” hadalkiisa ayuu sii watay asagoo aad noo caayay.

Maxamed ayuu garanayay wuxuu nagu canaantay in aan qabiilka uu ka dhashay maado gaynayno (hoosaasinayno) oo guuldaro iyo jab u wadno laakiin aniga ima aqoon markii uu hadalka badiyay ayaan la hadlay oo u sheegay inaan aniguba nabadda ka shaqaynayo oo ahay cidda (Hawiye) uu cabsida ka qabo waxaan u sheegay in colaada iyo nabadda qabiilkiisu ku jirto hadba siduu asagu u fakaro, ninkii wuu is dajiyay waxaan u dhiibnay fariin nabadeed, wuu na raali galiyay wuxuuna baxay asagoo isbadal ka muuqdo, ninka mehrada lahaa ayaa nagu yiri hadal na dhiiri galiyay oo u dhignaa “dhalinyaroy haddii aad sidaa kalsooni iyo jacayl iskugu haysaan adinka ayaa badali doona dalka ee waxaan idinka rabaa markii aad weynaataan sidaan isku ahaada haddii kale ninba qabiilkiisa hala safto markuu dalka xil ama mansab magac ka gaaro”

Habeenkii ugu horeeyay ayay ii ahayd oo aan seexday xaafad Israac ah xilli dambe ayaan guriga aadnay, waxaan qornay qorshaha aan berri ku howl galayno Maxamed wuxuu baajiyay dhawr howl oo suganaysay maalintaa

Subax hore abaare 5:50AM ayaan guriga ka soo baxnay waxaan ugu tagnay xafiiska Hombabaro Org gudoomiyahii Golaha Sare Hon Abdiqani Osman abaare 6:10Am oo noo hayay qaar ka mid ah agabkii la qaadanayay maalintaa waxaan ka qaaday agabkii aan uga baahnaa sidoo kale waxaan wacnay in ka badan 10qof oo shaqada midba meel kaga qornaa si layskula jaanqaado.

Sida balantu ahayd waxaa la rabay inaan subax hore dugsiyada ku yaala dhinaca Galmudug joogno 6:30AM laakiin nasiib darro waxaan waayay gaari aan raaco cabsida jirtay awgeed ma jirin gaari iskaga gooshi karay 2dhinac

Waxay dantu igu qasabtay inaan lug ku maro Xero Daawiish ilaa Five star

Koox dhan oo i sugaysa ayaan ugu tagay waxaan qaadanay gaari uu lahaa Bashir Duale oo ka tirsana shirkaddii TECO waxaa nala socday inta aan ka xasuusto Mohamed Sheikh Sa’id, Hasan Ali Hasan iyo Mohamed Adde Alisalad, mar aan isla dhignay wadada Cabdulaahi Ciise ayaa gaarigii lug banjartay ๐Ÿ˜ข

Ma aanan haysan wax aan ku badalno waxa ugu yar oo lugta furo ma sarnayn gaariga

Waxaa si isku mid ah halmar orod loo bilaabay in qofba didaal u galo sidii gaariga looga badali lahaa lugta, gaari kasta oo socda wadada ayaan qabanaynay oo baryo iyo xasuusinta xeerarka baabuurayda inta ku beer dulcino lahayn war gaariga nala kiciya ๐Ÿ˜‚

Waan badalnay lugtii waqtiga oo awalba cariiri nagu ahaa dartiis ayuuse naga cunay waxaa aad noo caawiyay nin la yiraa Cabdi Xayir oo hay’adda ICRC shaqaalaheeda amaanka ka tirsanaa.

Waxaan tagnay dugsiga sare SYL Secondary School oo ardayda ayaan la hadalnay si ay nagala qayb qaataan, dugsiga Waaberi secondary school ma aanan tagin oo waxaan u gees marnay si isku hubaal ah oo ardaydiisu iyo maamulkiisa ayaa shaqada maalmahaan dhan wax ka waday Mudug primary and secondary school oo ardaydu inta na sugi waysay oo qoraxdu aad ugu kululaatay ku xarooday fasallada ayaan qol qol u galnay si ay nooga aqbalaan inaan is raacno mar dambe oo xiligii la balamay ay dhaaftay ayaan soo laabanay

Ardaydii dhinaca Puntland ka timid oo Sheikh Saahid Ismaaciil hogaaminayo waxaa laga hor istaagay inay suuqa dhaafaan balse waxay ku mareen si amar diido ah ayagoo ordaya waxay balantu ahayd in 2 arday ee 2gees ka kala imaanaysay ku kulmaan aagga isgoyska astaan Hobyo balse ma dhicin oo waxaa soo dib dhacay ardaydii ka imaanaysay dhinaca xaafadda Galmudug sabab la xariirta dib dhicii gaariga banjaray

G. ku xigeenkii golaha fulinta Sh. Saahid Maxamed Ismaaciil iyo Sh. Cabdixakiim Maxamed Xirsi waxay ardayda ka celiyeen meel 1km sii dhaafsiisan halkii lagu balamay markaas ayay markale u gudbeen barxadda gobolka ilaa saldhigga dhexe.

Waxaa si yaab leh isku dhex qaaday dadkii oo dhan oo madaxda maamulka iyo ciidankii kaga jiray difaaca aagga suuqa oo inta is celin waayay qoryahana dhigteen hadba dhinac u raacay ardayda iyo dhallinyarada.

Mahad Sahal ayaa calamo cadcad u qaybiyay kuwo ciidamo beeleed ah oo kala joogay Suuqa iyo dugsiga Ummadda waxay dhamaantood ka qayb galeen socodkii umana soo laaban meelihii ay dhufayska uga jireen banaanbaxa ka dib.

Waxaan u socday safar Hobyo ah galabtaa waxaan tagay dooxada galbeed habeenkiina waxaan tagay suuqa iyo Cagaar weyne dhamaantood way baneeyeen ciidamadii fadhiyay kalsooni ka soo gashay banaan bixii maalintaas

Waxaa jiray dhallinyaro badan oo qayb ka ahaa shaqada qaarkood waxay hayeen xariirka dhexdeena ah qaar waxay ku howlanaayeen siday u gudbin lahaayeen fariimaha isku soo baxa ayagoo internet-ka adeegsanaya qaar waxay war u tabinayeen warbaahinta si dadka colaadda looga saaro qaar waxay si toos ah ula shaqaynayeen ciidamada (Isku dhafka Booliska) ah oo maalintaas aan la’aantood shaqo la qabteen ayagoo aad u tiro yar oo aan 50qof ka badnayn ayay amaanka goobaha layskugu imaanayo oo dhan gacanta ku hayeen laga soo bilaabo garoonka kubadda cagta Cawaale ilaa dugsiga Al-Shacab runtiina shaqada ay qabteen ayaa sal u ahayn socodkeena.

Ardayda dhigaynaysay dugsiga waxbarasha ee magaalada ayaa ahaa dadka dareenkooda soo bandhigay oo muujiyay baahida loo qabo nabadda waxaanan hilmaami karin ficiladii geesinimada lahaa ee ay sameeyeen intii shaqadu socotay, qaar ka mid ah dugsiyada waxaa laga hor istaagay inay banaan baxa ka qayb galaan sabab la xariirta madax furasho lacageed oo ay ku xireen kooxihii dagaalka ka ganacsan jiray waxaana ka mid ahaa dugsiga Omar Samatar Secondary School oo aan aad ugu hanwaynayn ka qayb galkiisa.

Waxaa xusid mudan in dadka nabadda raadinayay ay ka badnaayeen kuwa sida xun u fakarayay ilaahayna wuu nagu guuleeyay isku daygii badbaadinta wada noolaashaha Gaalkacyo, intii abaabulka aan wadnay ayaan hebeen ka soo lugaynay Golis aniga, Ahmed Jama, Magan iyo Sacdio-gobaad Abdirisak waxaan waynay meel aan ka tilaabno deegaanka cabsida badan ka jirtay markii dambe waxaan isla garanay inaan ka baxno luuq u dhaw iskuulka Ummadda balse waxaa na qabtay rag hubaysan oo dhufays ku jiray waxay na siiyeen amar ah inaan is dhiibno gacmahana kor u taagno, maadaama xiliga aan socono iyo meesha aan u socono ay shaki badan dhalinaysay qabaailka magaalada daganna ay kala lahjad yihiin ๐™‚๐™ค๐™—๐™–๐™–๐™™ waxay garatay haddiiba raggaas ay isku reeryihiin inay ayadu la hadasho wayna isku beegtay oo la hadashay waxayna ka dhaadhicisay inaan ku reer nahay ayaga, oo guryo nagu soojeeday u socono taasina waxay noqotay badbaado

Ugu dambayn: waxaa banaan bixii nabadda ku baxay lacag dhan $128.2 waxaana noo soo hartay $6.8 oo qasnadda Madasha dib loogu celiyay, waxaan halkaas ku baranay in dagaalku ka qasaaro badan yahay nabadda ayna u baahan tahay in la maalgashado nabadda, marka loo barbar dhigo colaadda oo halka mir ee qoriga Zuga- ah ay ka joogtay suuqa $20 halkii daqiiqo oo uu dagaalamayo wuxuu ridaa 360 mir oo u dhigta $7,200.

Qofkasta oo caqli leh wuxuu garan karaa farqiga u dhexeeya dagaalka qabiil iyo nabadda balse arrinta aan ilaa hadda aan waxba layska oran waa in dadkii ka qaybta ahaa colaaddii 2015 iyo 2016 oo ilaa hadda Gaalkacyo jooga xilal kuwaas ka waynna raadinaya aanay jirin cid la xisaabtantay, halka dhaqaalihii laga sameeyay dagaaladaas iyo shuruudii lagu xiray in nabad la qaato oo hay’ado shisheeye lacag looga qaatay jeebabka laga buuxsaday aysanna jirin baraarug bulsho oo ka dhan ah tuugada dadka dhiigooda ka macaaashatay si aysan bari u soo laaban.

Waxaan ka cudurdaaranayaa inaan wada xusin dadkii halganka nabadda Gaalkacyo ka shaqeeyay oo abaal wayn u galay bulshadooda oo iskugu jiray arday, dhallinyaro, siyaasiyiin, ciidanka qalabka sida iyo madax rayid ah.

F.G. hummaagga aan soo qaatay waa (Sahra) gabar ka mid ah ardaydii dhiganaysay dugsiga sare ee Cabdirashiid Cali Sharma’arke waana gabadhii orodka ku martay markii ciidan beeleedyo diidanaa banaanbaxa ay suuqa wayn dhexdiisa hor istaageen ardayda.

W/Q: Cabdiraafic Yasac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here