Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Kenya ayaa sheegtay in tallaabada dowladda Mareykanka ay Ciidankeeda ugala baxayso Somaaliya inay khatar gelinayso abaabullada amniga ee lagula dagaallamayo argagixisada .
Dowladda Kenya ayaa xustay in ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ay qeyb weyn ka geysteen hakinta weerarada Al-Shabaab ee Kenya.
Xoghayaha guud ee wasaaaradda Arrimaha dibada Kenya Kamau Macharia ayaa sheegay in Kenya ay mudooyinkii la soo dhaafay la kulantay dib u dhac xoog leh oo dhanka maalgashiga ah iyo dib u dhac dhaqaale kadib weeraradii argagaxisada ee xiriirka la lahaa Al-Qaacida, oo ay ku jiraan qaraxii safaarada Mareykanka ee 1998 iyo weerarkii Westgate Mall iyo Dusit 2 Hotel iyo kuwo kale.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidanka Mareykanka ay qeyb weyn ka yihiih dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Hadalka Macharia ayaa imanaya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ku wargaliyay la taliyayaashiisa sare inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya.