Home WARARKA GALMUDUG SAWIRO:-Dowladda oo qaaday dhagxaanta ay ku xirtay wadooyinka qaar

SAWIRO:-Dowladda oo qaaday dhagxaanta ay ku xirtay wadooyinka qaar

0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay qaaday dhagxaanta ay horay ugu xirtay qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen dadka Shacabka ah.

Goobaha Dhagxaanta laga qaaday ayaa waxaa kamid ah, Isgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer oo dhamaantood ka tirsan degmada Hodan iyo dhagxaan taallay meel u dhow Isgoyska Danwadaagaha ee degmada Wadajir.

Dowladda ayaa muddo hadda laga joogo wax ka badan laba sano waxaa ay sababo amni dartood dhagxaan waaweyn ugu jirtay wadooyinka jidcadayaasha ah iyo inta badan Isgoysyada wallow weli dhagxaanta ay yaalaan wadooyinka jidcadayaasha ah.

Wararka kale ay Risaala heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda ay qorsheyneyso in sidoo kale dhagxaanta ay ka qaado wadooyinka iyo Isgoyada kale ee Muqdisho si Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay si caadi ah u maraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here