Home WARARKA GALMUDUG Xog cusub oo laga helay Safar Qarsoodi ah oo uu DENI ku...

Xog cusub oo laga helay Safar Qarsoodi ah oo uu DENI ku tegay Imaaraadka Carabta + UjeedkaIch

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya safarka uu madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ku tegay wadanka Imaaraadka Carabta waxaana lagu wadaa inuu halkaasi kula kulmo mas’uuliyiinta u sarraysa Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa Dekedda Boosaaso.

Siciid Deni Madaxweynaha Puntland ujeedka booqashadiisa ee isutagga imaaraadka carabta ayaa ah in uu kala hadlo shirkadda DP World heshiisyadii ay hore shirkadu ula gashay Maamulka Puntland gaar ahaan dhismaha dekeda Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo safar ku tegay magaalada Dubai 15-kii April 2019 ayaa halkaasi kula kulmay Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, iyagoo ka wadahadlay dardar gelinta dhismaha Dekedda.

Madaxweyne Deni oo maalmo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, ayaa uga sii gudbay Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here