Home WARARKA GALMUDUG XOG: Sheikh Shariif oo Dalab culus hordhigay Cali Guudlaawe, Xilli khilaaf uu...

XOG: Sheikh Shariif oo Dalab culus hordhigay Cali Guudlaawe, Xilli khilaaf uu jiro

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay laba jeer la kulmay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Kulankaan oo ka dhacay hoteelka uu dagan yahay Sheekh Shariif ayaa qaatay saacado waxaana dibada ka joogay dhamaan dadkii la socday labada dhinac.

Warar aan ka helnay xubno kamid ah labada dhinac oo kulamada kadib la kulmay Shariif iyo Guudlaawe ayaa sheegay in Sheekh Shariif la wadaagay Madaxweyne Guudlaawe go’aano uu ku xaliyay beelo badan oo tabashooyin qabay islamarkaana uu aqbalay Cali Guudlaawe.

Go’aanadaas lama sheegin nuuca ay yihiin hase yeeshee wararku waxey tilmaamayaan in dadka tabashada qaba lagu qanciyay xilal islamarkaana Cali Guudlaawe laga dalbaday inuu fuliyo iyo qaar loo sameeyay balan qaadyo kale.

Dhinaca wararka aan helnay ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen qorshaha doorashada Soomaaliya iyo rabitaanka Sheekh Shariif ee xilka Madaxweynaha.

Cali Guudlaawe, ayaa Sheekh Shariif la wadaagay cadaadiska saaran iyo dhibaatooyin uu kala kulmayo Villa Somalia isagoo dhinaca kale u balan qaaday inuu la shaqeyn doono haddii uu noqdo Madaxweynaha HirShabeelle.

Sheekh Shariif, ayaa Cali Guudlaawe la wadaagay rajadiisa ah inuu Soomaaliya markale hogaamiyo isagoo dhinaca kale u rajeeyay inuu guul ka gaaro doorashada HirShabeelle. Mas’uuliyiintaan ayaa la sheegay in ay u harsan yihiin kulamo kale oo ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo arimaha HirShabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here