Home WARARKA GALMUDUG Agab Caafmaad oo lagula Tacaalaayo Cudarka COVID19 oo la gaarsiyay Dhusamareb+Sawiro

Agab Caafmaad oo lagula Tacaalaayo Cudarka COVID19 oo la gaarsiyay Dhusamareb+Sawiro

0

Agabkan Caafimaad oo ka kooban ilaa afar Mishiin oo ah kuwa neefta siiya bukaanada ay ku adkaato in ay helaan Oxygen ku filan kana yimid ganacsato kasoo jeeda Galmudug oo ku deeqay in lagu caawiyo bukaanada wajahaya qatarta Caafimaad ee kajira qaar ka mid ah Isbitaalada Gobolka Galgaduud , loona soo wakiishey wareejintiisa Wasiiru-Dowlaha Caafimaadka Galmudug Mudane Axmed Mirre Faafaale ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Maamulka Isbitaalka weyn ee Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan qaybtiisa la tacaalida Xaaladaha Covid-19.

Dr. Axmed Mahdi Agaasimaha Isbitaalka oo u mahad celiyay Ganacsatada ku deeqday mishiinadan ayaa tilmaamey in baahida Isbitaalka ka jirta ay tahay mid baaxad leh oo u baahan in lagala qayb qaato sidii loo dabooli lahaa.cod

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa tilaabadan lagu soo iibiyey Afartan Mishiin oo qayb ka ahaa gurmad ay sameeyeen ganacsato kasoo jeedo deegaanka ku sheegay in ay tahay mid kusoo aadey xili baahi weyn loo qabay.

Qalabkan caafimaad oo xiligan ka mid ah kuwa dalku ugu baahida badan yahay ayaa caawin doona bukaanada uu soo rito Xanuunka Covid-19, oo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ay shaacisey in ay sii kordhayaan tirada laga helay saacadihii ugu dambeeyay.

📸 Abdulahi Warsame Roble

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here