Home WARARKA GALMUDUG Bajaajleyda ka shaqaysta Guricel oo amaro la dul dhigay

Bajaajleyda ka shaqaysta Guricel oo amaro la dul dhigay

0

Dhalinyarada ku Shaqaysta gaadiidka Mooto Bajaajta loo yaqaano ee ku sugan Guriceel oo dhib ku qaba amar uu dul dhigay Taliyaha Booliska Guriceel Cismaan Cali Hudey oo ah in wixii ka dambeeya sedex saac oo habeenimo aysan shaqaysan karin oo looga baahan yahay in ay Xaroodaan.

Dhalinyarada ayaa sheegay in ay u adeegi jireen dadka danyartaa ee aan awoodin in ay gaari qaali ah kiraystaan wixii sedex saac ka dambeeya sida, Hooyooyinka Fooshu qabato ee isbitaalka u baahan balse arintaasi ay meesha ka baxday wixii ka dambeeyay amarkii Taliska Booliska Guriceel kasoo baxay.

Sidoo kale dadweynaha ayaa dalbanaya in amarkaas la qafiifiyo maadaama ay faa,ido badan ku qabeen Mooto bajaajta ayna u adeegi jirtay Xilliga Dambe ee habeenkii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here