Home WARARKA GALMUDUG Daawo Sawirada: Meydka Ugaas Xasan Oo lagu asay Qabuuraha Ugaasyada Ee hiiraan

Daawo Sawirada: Meydka Ugaas Xasan Oo lagu asay Qabuuraha Ugaasyada Ee hiiraan

0

Meydka Ugaas Xasan oo lagu aasay qabuuraha Dahaara Ugaas ee ku yaalla duleedka degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan

Salaadda Janaasida ayaa lagula dukaday Meydka Marxuum Ugaas xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo 23-bishan Muqdisho ku geeriyooday,Garoonka kubadda cagta Laqanyo Stadium ee kuyaalla duleedka Beledweyne.

Wasiirka arrimaha gudaha xukumadda soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax xildhibaanno katirsan baarlamaanka fedaraal soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Hiiraan cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyaha golaha kacdoonka Hiiraan Generaal Abuukar Xaaji Warsame {Xuud siyaasiyiin Imaamyo, ugaasyo, wabaro, salaadiin, iyo boqolaal shacab ree Beledweyne ah ayaa ka qeybagalay salaadda janaasada meydka ugaas xasan.

Ugaasyo imamayo iyo salaadiin uga kaka yimid gobolada soomaaliya in aay ka qeyb galaan aaska iyo tacsida ugaas Xasan, ayaa alle uga baryay marxuum ugaas xasan in jannadii fardowsa alle ka waraabiyo.

Ugu dambeyn Meydka ugaaska ayaa loo galbiyay qabuuraha Dahaara Ugaas ee kuyaalla duleedka degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan oo aay ku aasanyihiin 19-ugaas ee isaga ka horeeysay waxaana lagu aasay goordhow meydka Ugaaska qabuuraha dahara Ugaas.

Rabbi naxariistii janno haka waraabiyeen Ugaas Xasan ugaas khaliif ugaas rooble ayaa saldanada ugaasnimo ee besha Xawaadlle loo caleem saraay 25-july ee saandkii 2016 waxuuna ahaa ugaaskii 20-aad ee Beesha xawaadlle .

Ugaas Xasan ayaa ku dhashay degmada buulo burdo sanadkii 1946 waxuu kamid ahaa ugaasyada fara ku tiriska ah, ee aqoonta leh lana soo shaqeeyay dowladda gaar ahaan wasaardda maaliyadda soomaaliya, waxuuna sanado kala duwan soo mamulay dhowr dekad sida Muqdisho Kismaayo Bar-babara iyo Boosaaso.

Dadka aqoonta duruqsan u leh Ugaas Xasan ayaa ugaaska ku sifeyay in uu ahaa hoggaamiye dhaqan kulansaday aqoon waaya ragnimo aadna u fahamsan nidaamka dowlad-nimo, go’aan adag mowqifkiisana cadeesta, aadna u neceb musuq-maasuqa, aayna ka go’need in mar uun Soomaali heshiis doonto dibna u midoobi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here