Blog

  • The Leader of Galmudug State of Somalia, H.E. Liibaan Ahmed Hassan, attended a ceremony at the Presidential Palace marking Somali Teachers’ Day, observed on November 21, in recognition of teachers’ contributions to advancing knowledge, educating children and building society.

    The Galmudug leader congratulated all Somali teachers, particularly those in Galmudug, describing teachers as a foundation for social progress and state-building through their role in nurturing generations equipped with knowledge, discipline and patriotism.

    He reaffirmed Galmudug State’s commitment to strengthening education, improving teachers’ professional skills and expanding educational opportunities for children and young people. He also commended Somali teachers for their dedication and selfless service despite challenging working conditions.

  • faroole ‘ Hasan sheikh dalka Malaga qabto

    Madaxweynihii hore ee Puntland, haatan ah Senator ka tirsan BFS Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa maanta oo Axad ah, 22-ka Nofeembar 2026, soo saaray war-qoraal uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

    Faroole ayaa sheegay in xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta, uusan wax u dhimi karin hadallo uu ku tilmaamay aflagaaddo iyo carqaladeyn siyaasadeed oo uu 17-kii Nofeembar sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in muddo-xileedka madaxweynaha uu dhammaaday bishii Maajo 2026.

    Wuxuu si gaar ah u xusay xiriirkii taariikhiga ahaa ee bulshada Soomaaliyeed la lahaayeen hoggaamiyeyaasha Al Qasimi ee Sharjah iyo Ras Al Khaimah, isagoo sheegay in xiriirka dalalka Khaliijka uu sii socday xitaa burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

    Faroole ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaanka federaalka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday inuu wiiqay midnimada dalka, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii lagu qaaday Jubaland bishii Diseembar 2024, go’doominta Somaliland iyo in la inkiray xuquuqda dastuuriga ah ee dowladaha xubnaha ka ah federaalka, gaar ahaan xaqa wadatashiga iyo ka-qaybgalka siyaasadeed ee ku cad Dastuurka KMG ah ee 2012.

    Ugu dambeyn, Faroole ayaa sheegay in loo baahan yahay in la caddeeyo ujeeddada ka dambeysa ololaha lagu aflagaadeynayo Imaaraadka Carabta, isagoo ku adkeystay in xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka uusan ku burburi karin hadallo siyaasadeed oo uu ku tilmaamay kuwo aan mas’uuliyad lahayn. 

  • aqriso liiska golaha wasiirada galmudg

    madaxweynha maaamulka galmudug aya goordhaw ku dhawaaqay liiska golaha wasiirada galmudug

  • Hobyomedia

    Website ka Warbaahinta hobyomedia.com waxaa ku socda dib u habayn ,dhawaan ayan hawada dib ugu soo laabanaynaa insha-allah