Home WARARKA GALMUDUG Degdeg Wasiirada Galmudug oo shir Degdeg ah laisugu yeeray

Degdeg Wasiirada Galmudug oo shir Degdeg ah laisugu yeeray

0

Kusimaya Madaxweynaha Galmudug ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta shir gudoomiyay Shir degdeg ah oo ay iskugu yimaden golaha Wasiirada Galmudug

Shir golaha Wasiirada ee maanta ay inta badan awooda lagu saaray Xaaladaha Cudurka covid-19.

Wasiir Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa kulanka looga dhageystay warbixin kusaabsan Xaaladaha Cudurka Covid-19 iyo sida wasaaradda Caafimaadka Galmudug ugu diyaar Garowday in Cudurku uusan Bulshada Galmudug kudhex faafin

Marka uu soo idlaaday kulanka Golaha Wasiirada Galmudug ee uu Shir gudoominayay Kusimaha Madaxweynaha Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta ulahadlay Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Wasiir Dowlaha Wasaarada Caafimadka Galmudug.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here