Home WARARKA GALMUDUG Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Heshiiskii Xalay Xukumada Rooble iyo Midowga Musharixintu...

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Heshiiskii Xalay Xukumada Rooble iyo Midowga Musharixintu ku gareen magalada muqdishu

0

FARMAAJO OO SOO DHAWEEYEY HESHIISKA DHEXMARAY DOWLADDA IYO MIDOWGA MUSHARAXIINTA

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here