Home WARARKA GALMUDUG Marxuum Ugaas xasan oo dhawaan muqdishu ku geeriyooday oo aan wali la...

Marxuum Ugaas xasan oo dhawaan muqdishu ku geeriyooday oo aan wali la aasin ogow sababta

0

Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa lagu wadaa in meydkiisa loo qaado deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, si halkaasi loogu aaso.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, oo maalmihii ugu dambeysay uu ku xanuunsanayay.

Ehelada marxuumka ayaa xaqiijiyay in meydkiisa la gayn doono deegaanka Halgan, si bay yiraahdeen halkaasi loogu aaso.

Maxamuud Jimcaale (Maariyaa) oo Ugaaska ay saaxiibo ahaayeen, si dhowna xanuunkiisa ula socday ayaa BBC u sheegay in uu u geeriyooday xanuunka malaariyada.

Ugaas Xasan ayaa 25-kii bishii July ee sanadkii 2016 lagu caleemo saaray deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne, ka dib markii uu geeriyooday walaalkii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan ayaa si weyn uga soo muuqday Warbaahinta, ka dib markii uu si adag uga horyimid Dhismaha Maamulka Hirshabelle, xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugaas Xasan ayaan ka hor imaan doorashadii 11-kii bishii November ka dhacday Magaalada Jowhar, laguna soo doortay Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyadoo dadka reer Hiiraan ay qaybtood ka biyo diideen.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Ugaaska uga tacsiyadeeyay geerida ku timid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here