Home WARARKA GALMUDUG Wasarada Caafmaadka galmudug Si adag uga Hadlay Cudurka COVID19 ee Deganada Galmudug...

Wasarada Caafmaadka galmudug Si adag uga Hadlay Cudurka COVID19 ee Deganada Galmudug soo gaaray

0

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo shirkeeda todobaadlaha ah looga hadley dardar galinta howlaha la tacaalida Xanuunka Covid-19.

Kulanka todobaadlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay maanta wadajir u shir-gudoomiyeen Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Axmed Mire Cali “Faafaale” iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Mahad Caabi Ciise ayna ka qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, Agaasime waaxeedyada, madax qaybeedyada iyo Iskuduwayaasha Degmooyinka ayaa lagu gorfeeyay xaaladaha Caafimaad ee deegaanada Galmudug, marxalada dib usoo laabashada Covid-19 iyo in lasii labo jibaaro howlaha Wasaaradda.

Kulankan ayaa Warbixino looga dhageystay shaqaalaha kala duwan iyo madax qaybeedyada, kuwaa oo soo bandhigey warbixinada iyo xogaha la uruuriyey todobaadkan ee la xiriira bukaanada laga helay xanuunka Covid-19, tirada baaritaanada la sameeyay iyo xaaladaha rasmiga ah ee kajira Xarumaha waaweyn ee hore loogu qorsheeyay in ay qaabilaan dadka uu soo rito Xanuunka sida dhaqsida leh ku faafa ee Covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sidoo kale shaacisey in 48-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan galiyey labo qof oo uu soo ritey Xanuunka Covid-19 kuwaa oo baaritaanka ku marey Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here