Home WARARKA GALMUDUG Wasarada Caafmaafka Galmudug oo Dardar galisay Tababarada La Xariira CoVID19

Wasarada Caafmaafka Galmudug oo Dardar galisay Tababarada La Xariira CoVID19

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tabarkan oo soconaya mudo shan maalmood ah Magaalada Dhuusamareeb uga furtay qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howlgala Xarumaha Caafimaadka Deegaanada Galmudug, si sare loogu qaado dadaalada looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo hababka latacaalida bukaanada uu haleelo.

Tababarkan oo ay wadajir usoo agaasimeen Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adda C I S P ayaa waxaa ugu horeen faah-faahiyay ujeedadiisa iyo tirada shaqaalaha ka qayb galaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed.

Wasiir Dowlaha Wasaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Cali Faafaale oo gunaanadka munaasabada daah-furka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamey in Wasaaradda ay ka go’antahay sare u qaadida aqoonta shaqaalaha iyo sidii loo tayeyn lahaa adeegyada Caafimaad ee ay bixiyaan xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Deeganada Galmudu g.

Tababarkan ayaa kusoo beegmaya xili ay sii kordheyso tirada bukaanada uu soo ridanayo xanuunka Safmarka ah ee Covid-19, ayna Wasaaraddu wado dadaalo dib loogu howlgaliyay Xarumaha la tacaalida bukaanada uu soo rito Covid-19 oo haatan tiro ahaan isisoo taraysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here