Home WARARKA GALMUDUG Beesha Xawaade oo Ugaas Cusub Ceeleemosaaray kadib dhimashadii Ugaas Xasan

Beesha Xawaade oo Ugaas Cusub Ceeleemosaaray kadib dhimashadii Ugaas Xasan

0
Beesha Xawaadlle ayaa maanta u Calaamadeeysay in ugaaska cusub ee Besha xawaadle uu noqdo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooblle Ugaas Warfaa kaddib geeridii AUN Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo 23-bishii hore geeriyooday.
Shir aay ka soo qeyb galeen wasiirka arrimaha gudaha xukumadda soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen afrax guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan xildhibaanno Nabadoono Odayaal wax garad dhallinyaro iyo qeybaha kale ee bulshada beelweynta xawaadle, ayaa lagu shaaciyay in ugaaska cusub ee besha xawaadlle loo sii calaamadeeyaya in uu noqdo Ugaas Yusuf Ugaas Xasan munaasbadda lagu caleema saaraya aay dhici doonto (Afar bil iyo Toban cisho) kaddib.
Nabadoono iyo Odayaal ugu horeyn munaasabdda ka hadlay ayaa ballan qaaday in aay la shaqeyn doonaan ugaaska cusub ee besha xawaadlle Ugaas Yuusuf.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim aay tahay in la helo hoogaamiye dhaqan oo booska ugaas xasan ka geeriyooday buuxiya si howlaha beesha uu usii wado.
Wasiirka arrimaha gudaha xukumadda soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen afrax ayaa taageeray go’aanka odayasha dhaqanka xawaadlle aay ugu sii calaamadeeyeen in ugaaska cusub ee beesha uu noqdo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas khaliif waxuuna ballan qaaday in aay la shaqeyn doonaan.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ah wiilka AUN Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dhawaan geeriyaaday waxaana ugaas Yuusuf laga bilaabo maanta uu si rasmi ah usii amba qaadi doonaa howlaha kala duwan ee horyaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here