Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Talyaaniga ayaa kala saxiixatay heshiis Deyn cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiiskan la saxiixday safiirka Dowladda Talyaaniga u jogga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi.
DaawoWasiir Beyle ayaa u mahad celiyay safiirka iyo guud ahaan Dowladda Talyaaniga sida hagar la’aanta ah ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed ayna kaalinta muuqata uga qaadanayaan sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa.