Home WARARKA GALMUDUG Ciidamada Amniga Galmudug oo howlgal Lagu xaqiijinaayo Amniga Kawada Magaalada Gaalkacyo

Ciidamada Amniga Galmudug oo howlgal Lagu xaqiijinaayo Amniga Kawada Magaalada Gaalkacyo

0

Ciidanka Amniga Galmudug iyo Dowladda Soomaaliya oo Hawlgaladii ugu cuslaa ka wada Gaalkacyo kana Hortagaya dilal iyo qaraxyo ka dhaca magaalada inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

Tan iyo markii la gudagalay bisha ee Ramadaan waxaa Gaalkacyo ka socda Hawlgalo iyo baaritaano aan kala go,lahayn oo ay wadaan Ciidanka Galmudug,kuwo Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Puntland kuwaas oo si isku mid ah uga socda labada dhinac ee magaalada.

Koontaroolada magaalada laga soo galo ayaa amnigooda la xoojiyay waxaana intaa dheer baaritaano joogtaa oo gudaha magaalada laga sameeyo si loo baajiyo weeraro isugu jiro dilal iyo qaraxyo oo magaalada ka dhaca inta lagu jiro bisha soonqaad.

Amniga Gaalkacyo ayaa bilihii Dambe xasilooni balse waxay horey magaaladu u marti gelisay weeraro ay dad badan ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here