Home WARARKA GALMUDUG Galmudug iyo Puntland oo Kawada hadaly Midaynta Canshuuraha Biriga

Galmudug iyo Puntland oo Kawada hadaly Midaynta Canshuuraha Biriga

0
GAALKACYO – Madaxda Wasaaraddaha Maliyada Galmudug iyo Putland ayaa kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii Galmudug iyo Putland isaga kaashan lahaayeen Cashuuraha Beriga, Kontaroolada iyo cashuuraha lala barmuudeeyo iyadoo la iska kaashanayo hagaajintooda ayna kawada shaqaynayaan Labada Maamul.
Kulanka ayaa waxaa kaso qaybgalay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Maamulada ee Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ABDI QANI HERSI JAMAC oo ay weheliyaan Iskuduwaha Gobolka Mudug Cawil Cabdi Kaarshe, Madaxa Furdooyinka Wasaarada Saciid Dahir Geedi iyo Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha Galmudug.
Dhanka Putland waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Mamulka putland Mahdi farah Qamdi oo ay wehliyaan Xisaabiyaha Guud Ee gobolka Mudug Putland Ismaacil Cabdinor Geesey iyo Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha Ee putland iyo mas’uuliyiin kale.
Kulankan ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo inay wadashaqeyn buuxda dhexmarto labada Wasaaradood Ee Maamulada Galmudug iyo Putland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here