Home WARARKA GALMUDUG Wiil gabar u jeclaa Darteed Sun Ucabay oo ugu Danbayntii la aqal...

Wiil gabar u jeclaa Darteed Sun Ucabay oo ugu Danbayntii la aqal Galay gabadhii uu sunta Ucabay

0

Wiilkii Jacaylka isku Dili rabay oo ugu dambayn mehersaday gabadhii uu u xanuun sanaa.! 💔

C/salaan Xasan Carab oo ku nool guriceel ayaa Jacayl Xad dhaaf ah u qaaday Xaawo Cusmaan xuseen, balse markii 1-aad ee uu u bandhigtay Jacaylkiisa ayay Xaawo u sheegtay in aysan isku qalmin kana da,weyn tahay sidaas darteedna aysan jacaylkiisa ka aqbali karin

hasayeeshee C/salaan ayaa intaa ka dib qaaday Jacayl Waali ah, wuxuuna gaaray heer uu go’aansado in uu is dilo oo qabuuraha is geeyo, waxaase arintii lagu war geliyay Xaawo iyo qoyskeeda oo ugu dambeyn garowsaday in la isku daro C/salaan iyo geenyada uu jeclaaday, si loo badbaadiyo nolosha wiilka.

Lamaanahaan ayaa ugu dambayn isku mehersaday Magaalada Guriceel oo ay Dhalinyarada magaaladu ka shaqeeyeen sidii gabadha loogu qancin lahaa in wiilkan ay aqbasho maadaama uu saa’id u jecelyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here