Home WARARKA GALMUDUG Qarax Ka dhacay Magaalada Muqdishu iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

Qarax Ka dhacay Magaalada Muqdishu iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

0

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay Laamiga degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaaro.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa oo ahaa miino ayaa lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo marayay agagaarka xerada Bangala ee degmada Dayniile, waxaana qaraxa la sheegay in uu haleelay gaariga Cabdi Bilaha.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay hal askari oo katirsanaa ciidanka milatariga ee qaraxa lala eegtay, mana jiro wax khasaaro ah oo qaraxaasi kasoo gaaray dad shacab ah.

Laamiga dheer ee degmada Dayniile ayaa dhoor mar waxaa ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegtay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin katirsan maamulka degmada Dayniile , waxaana qaraxyadaasi qaarkood ka dhashay khasaarooyin badan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here