Home WARARKA GALMUDUG Ciidamada Dowlada federaalka iyo kuwa galmudug oo bilaabay howlgal ka dhan ah...

Ciidamada Dowlada federaalka iyo kuwa galmudug oo bilaabay howlgal ka dhan ah Alshabaab Xili dhawaan lafilaayo inay bilaabato Doorashooyinka Xildhibaanda labada Gole

0

Ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya qaybahooda kala gadisan iyo kuwa dowlad Goboleedka oo is kaashanaya ayaa maanta howl gallo kadhan ah kooxda khawaarijta Alshabaab kabilaabay deegaanada dhanka bari kaxiga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Meelaha maanta ciidanku gaaray waxaa kamida: Beer Liibaan Galle,Dharjo iyo Hogdugaag oo Caasimada ujira 70km.

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow”oo howlgalka qayb ka ahaa ayaa ayaa bulshada deegaanada kaga digay inay lamacaamilaan kooxda khawaarijta Alshabaab oo qatar ku ah nolosha dadka,deegaanka iyo diinta.

Waxaana uuna gudoomiye Geedaqorow uu sidoo kale sheegay in cidii lagu ogaado inay lashaqayso kooxdaasi ay u arkaan inuu lamid yahay kooxda khawaarijta Alshaab kuna xukunyahay.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo maxkamada ciidamada qaybta 21aad ayaa iyaguna sheegay inaysan marnaba ogolaanayn in cid xiriir lasamaysa kooxdaasi inay kunoolaato deegaanka,ayna gacan bira kuqaba doonaan qofkaasi,bulshadana kadhex saari doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here