Home WARARKA GALMUDUG Wada laami ah oo laga bilaabaayo Gaalkacyo ilaa hobyo iyo Wafdi balaaran...

Wada laami ah oo laga bilaabaayo Gaalkacyo ilaa hobyo iyo Wafdi balaaran oo gaaray magaalada Gaallacyo

0

Wafdi ay hugaaminayaan wasiirka wasaarada howlaha guud dib udhiska iyo guriyeynta Galmudug Axmed dhiblaawe casir, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle iyo Agaasimayaal heer federaal ah ayaa Soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug.

Wafdigaan oo ka soo Ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb waxaa Afaafka hore ee Magaalada Galkacyo kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo maxamed Cabdi Cilmi iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka Socdaalka ee wafdigu usoo gaareen Gaalkacyo ayaa ahaa booqasho ku aadan qiimeynta wadada udhaxaysa Gaalkacyo iyo Hobyo oo boqol km ka helay Mashruuca daraasadda iyo dhismaha laamiga oo maalmahan injineeridiisu ka Socotay Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here