Home WARARKA GALMUDUG Wasiirka Amniga Galmudug oo kulan laqaatay UNka kalana Hadlay baahida Ciidamada Galmudug

Wasiirka Amniga Galmudug oo kulan laqaatay UNka kalana Hadlay baahida Ciidamada Galmudug

0

Wasiirka amniga Galmudug Md. Axmed Macallin Fiqi oo maanta si fool ka fool ah uga qeybgalay shirka saddex biloodlaha ah ee dhexmara deeq bixiyaasha caawiya barnaamijka “Joint Police Programme- JPP”, hey’adaha UN-ka, wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka iyo Wasaaradaha amniga dawlad goboleedyada Soomaaliya.

Shirka ayaa wasiirka Amnigu soo bandhigay baahiyada kala duwan iyo mashaariicda dhowaan la filayo in laga hirgeliyo Galmuduy ee la isku waafaqay sida: dhismaha saldhigyo Booliis, gaadiidka ciidamada Booliska iyo tababarka dufcadda koowaad ee ciidamada dawlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wasiirku wuxuu soo bandhigay baahiyada la xiriira tayaynta ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo qalabayntooda.

Shirka ayaa dawlad goboleed kasta iyo Dawladda Federaalka ah ay soo bandhigeen baahiyada dhinacyadooda ka jira, wuxuuna ku soo gabagaboobay guul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here