Home WARARKA GALMUDUG Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dowlada Federalka SoomaaliyaAhna Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka oo...

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dowlada Federalka SoomaaliyaAhna Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka oo Siwayn loogu soo dhaweeyey Magalada Gaalkacyo+Sawiro.

0

Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Gaalkacyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda magaalaaasi ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Cumar ( Alcadaala ) oo gaaray gabal dhicii magaalada Galkacyo.

Wasiirka ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii iyo shacabkii magaalada afkeeda hore uga hortagtay, wuxuuna uga mahadceliyay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen.

Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmadda Galkacyo ee dhinaca Galmudug ayaa Wasiirka uga mahadceliyay booqashadiisa.

Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doona inta uu Galkacyo ku sugan yahay Mas’uuliyiinta, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada isagoo kala hadli doona arrimo ku saabsan sidii ay bulshadda iyo Dowladda oo wada jira ay iskaga kaashan lahaayeen Amaanka iyo Horumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here