Home WARARKA GALMUDUG Midkamid ah Musharuxiinta aqalka Sare utartamaysa oo maantay Ciidamada Difaaca kaga...

Midkamid ah Musharuxiinta aqalka Sare utartamaysa oo maantay Ciidamada Difaaca kaga jira Koonfurta Mudug gaarsiisay Xoolo nool

0

Musharax Xildhibaan Aqalka sare Deeqo Xusein Mire ayaa 2 neef oo Geel ah ku wareegisay Gudiga Taakulada Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwa Dowladda federaalka iyo Ciidanka degaanka ee Dagaalka kula jira Kooxda Al-shabaab Koonfurta Gobolka Mudug.

Taakuladaan Musharax Aqalka Sare Deeqo Xusein ayaa ujeedkeedu ahaa garab istaagga Ciidamada naftooda u huray xoreynta degaanada Galmudug ee Cadowgu haysto, madaama ay u sharaxan tahay matalaadda degaanada Galmudug.

Musharax Deeqo ayaa ciidamada qeybahooda kala duwan ku ammaantay guulaha ay ka gaareen la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoo intaas raacisay in la taageero Ciidamada isla markaana ay isku tashtaan Bulshada Galmudug.

Senator Cabdi Qeybdiid iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Axmed Shire Qoodar oo deeqdaan ka gudoomay Musharaxa Xildhibaan ayaa uga mahadceliyay taakulada Ciidamada ay soo gaarsiisay, waxayna ku amaaneen inay noqonayso Xildhibaankii ugu horeeyey ee Haween ah oo u sharaxan Aqalka Sare oo deeq caynkaana soo gaarsiiyay Ciidamada Dagaalka kula jira Kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Waxaa sii kordhaya dadka reer Galmudug ee taageerada la garab taagan ciidamada, kuwaas oo deeqo kala duwan gaarsiiyay Ciidamada Huwantaa ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka Al-Shabaab Koonfurta Gobolka mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here