Safiiradda Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster oo hor-istaagtay kaalmeynta barnaamij hormarineed ee Galmudug
Safiiradda Ingiriiska ayaa si lama filaan ah uga hortmid kaalmo ay soo ogolaadeen deeq-bixiyayaasha iyo hay’adda Somali Stability Fund oo loogu talagalay dhismaha wadada Hobyo-Galkio.
Wadada Hobyo-Galkio waa waddo aad iyo aad muhiim ugu ah nolosha, dhaqaalaha iyo amniga deegaanada Galmudug oo dhan. Shacabka Soomaalida gaar ahaan kuwa Galmudug dibad iyo gudaba waxay deeq ahaan u aruuriyeen lacag ka badan 6 million oo doolar taas oo suurto galisay in boqolkiiba lixdan (60%) la dhameystiro wadada. Deeqaha ka yimid shacabka waxaa lagu dhameystiray 150km, waxaana dhiman 120km wadada.
Ka dib, shir ku dhex maray madaxda hay’adda GOB iyo deeq bixiyayaasha magaalada Nairobi bishii September 2019, ayaa lagu go’aamiyey in kaalmo buuxda la siiyo dhameystirka wadada Hobyo-Galkio. Shirar daba jog u ah kii September 2019, ayey hay’adda Somali Stability Fund (SSF) ayadoo ogolaasho ka heysata deeq-bixiyayaasheeda ku ogolaatay in ay qalab ugu deeqdo dhameystirka wadada.
Nasiib darro, cudurka Covid ayaa dib u dhac ku keenay bixintii qandaraaska qalabka lagu soo gali lahaa. Balse, nasiib waanaag, hay’adda SSF ayaa ku guuleysatay iney dhameystirto howlihii qandaraaska qalab gadidda ayadoo u gudbisay hay’ada FCDO oo horay loo yaqaanay DFID muddo laga joogo saddex bilood si ogolaashe looga helo. Waxaa ah wax laga xumaado in ay safiiradda Ingiriiska Kate Foster ayadoo muddo dhowr bilood ah ku magacaaban safiirnimda ka hortimaaddo ogolaashihii qorshahaan oo muddo sanad iyo bar soo socday.
Ka hor-imaashaha safiiradda mashruuca wadada Hobyo-galkio wuxuu xoojinayaa isku dheeli-tiran la’aanta deeqaha horumarinta Gobolada dalka gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabelle. Go’aanka safiiradda Ingiriiska Kate Foster wuxuu ka tarjumayaa sida Ingiriiska iyo qaar kale oo ka mid ah deeq-bixiyayaasha ay mar kasta u garab maraan Galmudug iyo Hirshabelle ha noqoto horumarinta ama mashaariicda kale ee dalka ka qabsooma.
Shacabka iyo madaxda Galmudug waxay ka codsanayaan safiiradda iney dib uga laabato go’aanka ka hor’imaasha kaalmada wadada Hobyo-Galkio. Shacabka iyo madaxda Galmudug ayagoo ka filayey mashaariic hor-u-marineed oo kale waxay u arkaan wax laga xumaado in la is hor-taago mashuurcii ugu weynaa ee dhanka horumarka ee Galmudug ka qabsooma.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences and repeat visits. By clicking “Accept”, you consent to the use of ALL the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.