Home WARARKA GALMUDUG Xog : magaca sargaalkii sare ee shabab ka ahaa ee lala beegsaday...

Xog : magaca sargaalkii sare ee shabab ka ahaa ee lala beegsaday duqayntii shalay mudug ka dhacday

0

Amiir ku xigeenka 2baad Ee maleeshiyada al shabaab ee dagmada Xarar.dheere  kaasi oo lagu magacaaabi jiray mursal  ayaa la sheegay in uu  ku dhintey Duqeyntii shälay  ka dhacdey Meel 3km ujirta Deegaanka qeecad

Warar lagu kalsoon yhy oo ay heshay hobyomedia.com ayaa tilmamay in duqaynta lala beeegsaday sargaalkaasi saray iyo koox ciidan ah oo uu watay

Saraakiisha laamaha amaanka gaar ahaan saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta galmudug ayaa hobyomedia.com u xaqiijiyay in bartilmaameedka uu ahaa shaqsigaasi isla markaana halkaasi lagu qaarijiyay

Xogtan oo ay wali lamaha amaanka galmudug aysan si toos ah u shaacin ayaa sidoo kale tilmaamaysa in lamaha amäanka ay sidoo kale shaki ka qabaan in sargaalka iyo kooxdiisa ay ka badbaadeen wèrarka madama aan la heli karin xog dhamayatiran oo ki saabsan in duqaynta sidii la rabay in ay u dhacday iyo in kale

Saraakiisha ayaa. Sheegay in baaritaan ay wadaan markii la xaqiijiyana warbaahinta lala wadaagi doono

Hobyomedia.com oo ay isku dayday bal in ay ogaato dalka laga leeyahay diyaaradaha duqaynta fuliyay ayaa saraakiisha amniga galmudug wxy ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dalka laga lèeyaha diyaaradaasi

Wixii ku soo kordha kala soco hobyomedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here